Madaxweynaha Mareykanka oo hambalyo ku aaddan Todobaadka Xorriyadda la wadaagay Madaxweynaha Soomaaliya 

Date:

Farriin qoraal ah oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.”

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

“Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal.

“ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...