โ€˜Si xun wax u sheeg Sixir waa ka daranโ€™ (WARBIXIN)

Date:

โ€œiyadoo lagu jiro maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso Qowmiyad ka mid ah Itoobiya waa ayaan darroโ€. Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso Qowmiyad ka mid ah Itoobiya,wuxuuna arrimahaasi ku tilmaamay xaalad aan la fileyn iyo ayaan darroโ€.

Wasiirka ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Somaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega Dalka Itoobiya. โ€œDadla Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raaligelinayo dal kale oo damac leh, laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeedโ€ayuu yiri Wasiir Fiqi, waxaa kale ee uu xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi, isagoo dhinaca kale Dadka Soomaaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii ay koox ka koobneyd 10 Ruux a meel fagaare ah ku heeseen Erayo ay ka ahaayeen โ€˜Xamar Amxaraa iga roonโ€™, halka ay iyaguna ka falceliyeen Koox ka tirsan kuwa Dalka โ€˜ Xamar Allaa Boqree, uma baahna Ruux kaleโ€™, waase ayaan darro in iyadoo lagu jiro Maalmaha Xorriyadda in loo baaqo Gumeysi cusub, balse dadka Soomaaliyeed oo isku duuban ayaa ka soo horjeestay damaca kooxo wadato.

โ€œDad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaanโ€,sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka, wuxuuna ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka goโ€™an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah Madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

 

โ€œArrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahayโ€, sidaasi ayuu ku caddeeyay Madaxweyne Dr: Xasan Shiikhg Maxamuud, waxaana uu bayaaniyay Heshiis wax wada qabsi iyo Dhul-boobka inay meelna isla wada galeynin.

 

Wakiilka Somalia ee UN-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah uga soo gudbeen xuduudka ay wadaagaan labada dal, isla markaana waxaa is hortaag ku sameeyeen ciidamada ammaanka ee deegaanka. โ€œSoomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga goโ€™an tahay inay ixtiraamto mabaadiโ€™da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga,โ€ ayuu Abuukar Cismaan u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka. โ€œWaxaana ka filaynaa Itoobiya inay sidaasi oo kale sameyso iyadoo dib u eegis ku sameyn doonto qoraalkeeda ku aaddan wax-is-daba-marin iyadoon dib u dhac kale ku imaan.โ€. Mr Cismaan ayaa sheegay in sababta oo ah โ€œficillada guracanโ€ ee Itoobiya ay ka waddo gobolka ballaaran, Muqdisho ay ku qasbanaatay in ay dib u dhigto bisha Luulyo ilaa Sebtembar ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Intaa ka dib, codsigii Soomaaliya, Jaamacadda Carabtu waxay qabatay fadhi deg-deg ah oo Wasiirro ah, waxayna ku caddeeyeen in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, si aan gabasho lahaynna u diiday heshiiskii January. Jaamacadda Carabtu waxay Aljeeriya, oo ah xubinta kaliya ee Carbeed ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka codsatay โ€œinay abaabulaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo soo saaro goโ€™aannada lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyaโ€. Jaamacadda Carabtu waxay Aljeeriya, oo ah xubinta kaliya ee Carbeed ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka codsatay โ€œinay abaabulaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo soo saaro goโ€™aannada lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyaโ€.

 

Ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa golaha walaac ka muujiyay heshiiska, oo uu sheegay in uu xiisad ka abuuray Geeska Afrika, xilli gobolka uu wajahayo qalalaaso kale. โ€œWaxaan xusuustaa in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyey ixtiraamka madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,โ€ ayuu yiri Mr Swan. โ€œWaxaan ku dhiirigelinayaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay arrinta ku xalliyaan si nabad ah, iyadoo la raacayo mabaadiโ€™da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.โ€.

 

Ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Robert Wood ayaa sheegay in Washington ay weli si weyn uga walaacsan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saameynta xun ee ay ku yeelaneyso danaha amniga ee ay wadaagaan. โ€œWaxaan ku biiraynaa AU iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inaan ku celino taageeradayada madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,โ€ ayuu yiri Mr Wood. โ€œWadahadalka diblumaasigu waa habka lagu dejiyo xiisadaha, iyo waddada kaliya ee loo marayo.โ€

June 6-deedii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u doortay xubin aan joogto aheyn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee 2025-2026, matalaysa gobolka Bariga Afrika.

 

ATMIS ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo howlgallada dalka 31-ka December kadib 17 sano oo uu dalka ka howlgalayay. Ciidamadan ayaa markii hore loo daabulay sidii ay Al-Qaacidada Soomaaliya uga saari lahaayeen Al-Shabaab iyo sidii ay u caawin lahaayeen dowladda federaalka ah ee caalamku aqoonsan yahay. Ciidamada Midowga Afrika oo ku howlgalaya amar ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ujeedadoodu tahay in ay ka hortagaan soo laabashada Al Shabaab iyo in ay tababaraan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa golaha Wasiirada ee XFS waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah:

 

1. Argagixisada;

2. Aragtida Gooni-goosadka;

3. Dowlad-nugeylka;

4. Xuduudaha Beylahda;

5. Faragelinta Shisheeye;

6. Isbeddelka Cimilada;

7. Khatarta Tiknoolajiyadda;

8. Khataraha Bulshada;

 

Qodobadaan waxa ay soo baxeen waqti loo baahan yahay, waayo Xuduudaheyna waxay haayeen โ€˜Baylahโ€™, waana loo baahan yahay inaan suganno suhdimaheyna, islamrkaana aan aragti cusub ka qaadanno, islamarkaana goโ€™aan laga qaato sida loo wajahayo Gooni-goosadnimada, waa arrin wanaagsan oo baahan fulinteeda, haddaba dhammaan arrimahaasi wxay meesha ka saarayaan Hun-hunada ka jira meelaha qaar, iyo kuwa six un wax u sheega waa tii la yiri:- โ€˜ six xun wax u sheeg Sixirow ka daranโ€™.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...