Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray Dowladda Jabuuti 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka aynu walaalaha nahay ee jamhuuriyadda Jabuuti iyo dowladooda.

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada maanta ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay maanta heystaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka.

Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...