Raโ€iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigay Dhismeyaal Dowladdeed

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale