Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xubno ka tirsan BFS oo sheegay in lagu dhibaateeyay Nairobi

Date:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa ay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Soomaaliya si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen oo ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirrigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Xildhibaan Fowsi Warsame oo si KMG ah ugu biiray Baarlamaanka Norway.

Xildhibaan Fowsi Warsame, oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed...