Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Date:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga Hakan Fidan oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Switzerland kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Al Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Al Adxa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

6- Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, isagoo shacabka halkaasi deggan kula qaatey dabaaldegga maalmaha Ciidul Adxa.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho salaada Ciidul Adxa kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

8- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa kulan fogaan arag ah la yeelatey Jean Todt oo ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo

10- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegaya in DFS ay ay adeegyo caafimaad u fidisay xujeyda Soomaaliyeed ee dhowaan Xajka soo gutay.

11- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay hoggaanadda Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo kala hadley dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa socdaal nabad raadin ah ku tagey deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud oo ay dhowaan ka dhaceen dagaal beeleedyo ay dad badan ku dhinteen.

14- Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

15- Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo badan ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo diyaaradeed.

17- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SoDMA ayaa u dirtay gaadiid siday shixnado gargaar ah degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa daah-furay qorsho istiraatiiji ah oo loogu talagaley in Hay’addu ay ku dhaqanto dhaqanto 5-ta sano ah ee soo socota.

19- Afar ka mid ah horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay Buuga tacsida AHN Prof jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo shaaciyay xiliga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh :Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran

-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ballan...