Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda, ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...