Labo Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Date:

Cali Xasan Cali oo looyaqaano ( Cali Dheere ), ayaa isku soo dhiibey Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soonaaliyeed oo fadhigeedu yahay Degaanka Goof Gaduud Buurey.

Ninkaan, ayaa Tababaro kala duwan kusoo qaatey Gobalada Baay iyo Shabeelada Dhaxe, waxa uu qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah, kuwaas oo ka dhacay Degmooyinka Aadan yabaal,Masaajid Cali Gadud,Iyo Qeybo kamid ah Mudug iyo GalGaduud .

Ninkaan ayaa ka tirsanaa muddo 12sano ah,Kooxda khawaarijta ah.Maxamed Deeq Abdullahi Cali, ayaa Asna saakay isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo fadhigeedu yahay Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka Baay, oo ay ku sugan yihiin Cutubyo Katirsan Taliska Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maxamd deeq ayaa yiri ” Dadka shacabka ah dhibka loo geesto aniga raali waan ka ahaan waayay, waxaan doortay inaan isu soo dhiibo geesiyaasha dalka,”.

Maxamed Deeq wuxuu Maleeshiyaadka Khawaarijta ah,Ay siyeenTababaro wuxuuna kusoo qaatay Tababarkiisa Degaanka 20 jirow ee Gobalka Baay. wuxuuna u qaabilsanaa aruuntinta lacagta Baada ah ee Shacabka Soomaaliyeed laga qaadayay.

Cali dheere ayaa yiri ” Waxaan u adkaysan waayay,Dhibatada shacabka lagu haayo,Oo ayaga oo baahan looga qaato xoolahooga,Alxm haddii jidkii xummaa alle iga soo badbaashay”.

Ugu Dambeyn Cali Xasan iyo Maxamed Deeq, ayaa Si wadajir ah Saxibadooda Duurka jira ka codsadey in ay isku soo Dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Oo ay kamid noqdaan Bulshada Soomaaliyeed,Ee nabadda iyo hormarada ku sugan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...