Gollaha Wasiirrada oo Ansixiyey Xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka Qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo si xiriir ah sanadkii 10aad si isku mar ah looga qaadayo gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...