Dalal badan oo soo dhoweeyay go’aanka Qaramada Midoobay ee dib u eegista xubinnimada Falastiin

Date:

Dalalka Masar, Sacuudiga , Ciraaq,Turkiye iyo kooxda Xamas ayaa soo dhoweeyay qaraar uu soo saaray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasoo ku baaqayay in dib loo qiimeeyo xubinnimada Falastiin ee dhinaca Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalaka Masar,Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq ayaa sheegay in qaraarku si cad u muujinayo xaqa sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta iyo in ay dhistaan dowlad madax-bannaan oo ku saleysan xalka laba waddan.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar ku baaqaya in dib loo qiimeeyo dalabka Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay iyo bixinta xuquuqo dheeraad ah.

Qaraarkan oo ay garwadeen ka ahayd Imaaraatka Carabta (oo wakiil ka ah Kooxda Carabta) ayaa lagu meel mariyay is-afgarad weyn, iyadoo 143 dal oo xubnaha ka ah ay u codeeyeen.

Falastiin ayaa sanadkii 2011 ka codsatay in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay balse ma aysan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee Golaha Ammaanka waxaana diidmada qayaxan ku horistaagay Mareykanka,inkastoo sannadkii 2012-kii Falastiiniyiintu ay heleen kursi ah in ay goobjooge ka noqdaan Qaramada Midoobay.

Xamaas ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ahaa in dib loo eego dalabka xubinnimada Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...