Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Suβaal, todobadii suβaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix suβaal, halka ay iska qaldeen Hal suβaal, ma jirin wax ka faaβiideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Bardaale
Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suβaal, waxa ay ka jawaabeen Lix suβaal, halka ay iska qaldeen Hal suβaal, , ma jirin wax ka faaβiideysi ah oo ay heleen sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Sida sharciga tartanka qabo marka ay labo degmo noqdaan isku dhibco waxaa laguj daraa su\aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo oo ay midkood u gudubto wareegga xiga ee tartanka.
Suβaalihii dheeriga ah ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamayaasha degmada Kismaayo waxa ay iska qaldeen suβaashii 8-aad ee tartanka, balse tartamayaasha degmada Bardaale kama aysan faaβiideysan fursadda soo martay, laakiin waxa ay si toos ah uga jawaabeen suβaashii dhankooda la weydiiyay sidaas ayayna ku heleen 14 dhibcood, halka Kismaayo ay la yimaadeen 12 dhibcood.
Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 19-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan qeybta hore waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, halka tartanka labaad ay isku arki doonaan Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala trsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.
Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro



















