Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 11-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Caabudwaaq oo ka mid ah degmooyinka markii ugu horeysay ka qeygalaya tartanka, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Hodan iyo Caabudwaaq ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Caabudwaaq,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Caabudwaaq

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Hodan,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Caabudwaaq waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 11-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo markii ugu horeysay ka qeybgalay tartanka, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 11-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Aadan yabaal iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud..

Sawir Qaade:-Khadar Cali Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...