Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Arbaco, 20 March, 2024

Date:

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal kula yeeshay Asmara Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka sii sagootiyay 19 ka mid dhaawacyadii weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel SYL oo loo qaadey dalka Turkiga.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka.

4- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo NISA.

6- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya Mr. Charles Mballa, iyagoo ka wadahadley xaaladda qaxootiga iyo barakaceyaasha ku nool dalka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi.

9- Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in 3 askari ay ku dhinteen, 27 qof oo ay ku jiraan 3 xildhibaan ay ku dhaawacmeen weerar Khawaariju ka geysteen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sidoo kale toogtay 5tii dhagarqabe ee Khawaarijta ee weerarka fuliyay.

10- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine.

11- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

13- In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka sida iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

14- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay 4 horjooge oo Khawaarijta ka mid ahaa.

15- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in ciidamada ay guluf xooggan oo kama dambays ah ay ku qaadeen gobollada Shabeellooyinka iyagoo si saf ballaaran ah u wajahaya deegaannada kooban ee ay ku dhuumaalaystaan cadowga Khawaarijta Al Shabab.

16- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Masar iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air oo dhowaan duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya.

17- Hay’adda SoDMA ayaa markale deegaanka Garasbaaleey, degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

18- Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

19- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Britain kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park.

20- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika kaga qayb galay shir diiradda lagu saaray doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo dhacaysa horaanta sanadka 2025.

21- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay degaan xeebeedka Jasiira.

 

 

==============DHAMMAAD==============

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim...

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...