Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 12-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Aadan Yabaal iyo Ceelbuur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Aadan Yabaal

Tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Ceelbuur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Ceelbuur

Tartamayaasha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Aadan Yabaal,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceelbuur waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 12-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 12-aad ee tartanka, waxaa jiri doono ilaa iyo labo tartan, qeybta hore waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Cadaado oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud..halka qeybta labaad ay ku tartami doonaan Degmooyinka Heliwaa iyo Jilib oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Jubbada Dhexe.

Sawir Qaade:-Khadar Cali Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...