Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 10-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Laascaanood oo ka mid ah degmooyinka markii ugu horeysay ka qeygalaya tartanka iyo Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Shangaani ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Laascaanood

Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Shangaani,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Shangaani

Tartamayaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shangaani waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 10-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool oo markii ugu horeysay ka qeybgalay tartanka, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 10-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaq iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...