Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa daah-furay wejiga 2-aad Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay wejiga 2-aad Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo wajigiisa 1-aad kasoo socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Macalimiinta, Guddiga Garsoorka iyo Culumada Soomaaliyeed, doorkooda ku aadan in ay waqti geliyaan waxa ugu fiican ee lagu tartamo oo ah xifdinta Quraanka Kariimka. Asigoona Balan qaaday in uu Xajka u diri doonno Waalidka ardeyga ku guuleysta Tartanka Quraanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka tartankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada G/Banaadir, Agaasimeyaal, Waaxda Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir, Waalidiin iyo Ardeyda Tartamayaasha Qur’aanka Kariimka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...