Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Galmudug iyo Bakool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

XUDUR

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ย waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex suโ€™aal, halka ay iska qaldeen Afar ย suโ€™aal, mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Lex (6) dhibcood.

DHUUSAMAREEB

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ย waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeen Todobadii Suโ€™aalood ay la weediiye iyo Labo Suโ€™aal oo soo hareermartay Degmada Xudur, iyagoo iska qalday Saddex suโ€™aal, ma jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen dhankooda,ย  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Sideed (18) dhibcood.

Sidaas darteed tartamayaasha Dhuusamareeb waxa ay heleen 18 dhibcood, halka Xudur ay la yimaadeen 6 dhibcood, sidaas ayayna ugu soo gudbeen Dhuusamareeb wareegga xiga ee tartanka.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galmudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar-iyo Garbahaaree oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale