Maamulka Gaalkacyo oo soo saaray fariin culus oo ku aadan nadaafadda degmada

Date:

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maanta fariin culus u diray dadka wax u dhimaya nadaafadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxayna arrintaasi ka soo saareen degniin adag.

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, ayaa ku booreyay dadka ku dhaqan degmada in ay ka qeyb qaataan oloaha nadaafada iyo qashin qaadista ay maamulka ka wadaan magaalada.

“Waxaan leeyahay qof kasta oo ku nool magaalada Gaalkacyo ha ku dadaalo sidii ay ololaha nadaafadda uga qayb qaadan lahaa, qof kastana ha ka soo bilaabo gurigiisa, iyo xaafadaha ku xeeran, sidaas ayaanu ku sugi karnaa amnigeenna iyo caafimaadkeenna.” ayuu yiri duqa degmada.

Sidoo kale, waxa uu faray Waaxda Arrimaha Bulshada inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo qashin ku dhex daadisa magaalada, isagoo soo jeediyay in ciqaab ku habboon la marsiiyo.

Maamulka degmada ayaa dhawaan bilaabay olole lagu nadiifinayo qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada, laguna ilaalinayo caafimaadka iyo fayodhowrka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...