Wafdi ka socday JFS oo Addis ababa uga Qayb Galay Shir Heerkiisu Sarreeyo oo Looga Hadlayey Hawlgalka ATMIS.

Date:

Wafdi ka socday JFS oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka Arrimaha dibadda oo Xarunta Midowga Africa uga Qayb Galay Shir Heerkiisu Sarreeyo oo Looga Hadlayey Hawlgalka ATMIS.
Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar Cali “Balcad” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qayb galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia, ayaa si buuxda uga qayb galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.
Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayey Danjiraha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabilsan Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.
Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada Dawladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.
Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada Xoogga Dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya, isla markaana lasoo geba-gebeeyo hawl-galka KMG ah ee ATMIS.
Wasiir Cali Cumar Cali “Balcad” oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysattay in Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta kooxaha Khawaarijta, isla markaana ay DFS kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen CXDS ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...