Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay xiriirka dhaqanka Afrika iyo Shiinaha

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska dhaqanka iyo diblumaasiyadda oo lagu qabtey madxafka qadiimiga ah ee Shiinaha ee magaalada Beijing.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen machadka Shiinaha iyo Afrika ayaa ahayd mid lagu muujinayay xoojinta xiriirka iyo isfahamka ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.  Amb. Kullane ayaa matxafka si diiran loogu soo dhaweeyay gaar ahaan Dhismaha Zhizhong  oo ah xarunta aqoonta taariikhiga ah iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Sidoo kale, ujeedkan munaasabaddan loo soo agaasimay ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqanka ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Danjire Kullane ayaa intii uu booqashada ku guda jiray halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku muujinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika. Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la fahmo asalka ilbaxnimooyinka.

Danjiraha ayaa ku baaqay in la iska kaashado horumarinta iyo wada-shaqeynta ummadaha dunida ku nool. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa warbaahinta Shiinaha iyo Afrika, iyadoo lagu soo bandhigay ahmiyadda xiriirka Shiinaha iyo Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...