Wasiir Daa’uud Aweys: Inta ay nool yihiin taliyeyaal Suulnuug oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa-uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalayay kulan loogu duceynayay shahiid Taliye Suulnuug ayaa sheegay in uu ahaa halyeey wax badan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa, in lagu daydo mudan.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi ay ka go’neyd in dalka laga ciribtiro khawaarijta, isagoona intaa ku daray in inta sarakiil taliye Suulnuug oo kale ah ay nool yihin ay Soomaaliya difaacan doonto dhulkeeda.

“Inta ay nool yihiin Taliyeyaal Suulnuuge oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto, isagana Allaha u naxariisto” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa Marxuumka alle uga baryaay in Jannatul Fardowsa ugu bishaareyo, ummadda Soomaaliyeed aysan marnaba iloobi doonin kaalintii uu kulaha dib u xoreynta dalka.

Munaasabaddan loogu duceeynayay Alle ha u naxariistee Suulnuuge ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno katirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo goobta ka sheegay kaalintii uu shahiid Taliya Suulnuuge kasoo qaatay howlagallada dalka looga xoreynayo khawaarijta,waxa ayna alle uga baryeen in uu naxariistiisa ugu deeqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...