KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

Date:

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga waxaana looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hayโ€™adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka guddiga fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowladda Itoobiya ay kula kacday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna isla qaateen in la garab istaago dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qaranimadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...