Madaxweynaha Jamhuuriyadda” Taako ka mid ah dalka Ethiopia ma qaadan karto”.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka hor jeediyey Baarlamaanka, waxaanu si adag uga hadlay faragelinta gurracan ee ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, ka dib heshiiskii afgaradka oo ay dhawaan la yeesheen Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Wixii dhacay 1-dii Janaayo waxa ay jebinayaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, mana noqon karaan kuwoo dhaqan gala .”

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal [Soomaaliya & Itoobiya] ay ahaayeen kuwo deris ah qarniyaal badan, taariikhda ka dhaxeysana ay astaan u ahayd colaado iyo burbur.

“Jamhuuriyadda 3-aad ka dib, Ummadda Soomaaliyeed waxay qaadatay jihada nabadda iyo la wada noolaanshaha dalalka deriska ah, kamaanaan shaqayn in la kala qaybiyo shacabka Itoobiya, balse nasiib darro, waxaa dhacay wax aan Itoobiya maanta ka filaynay ma ahan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada, lagana yaabo in Khawaarijtu ay si khaldan uga faa’ideystaan.

Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay u si wadajir ah ugu midowbaan difaaca midnimada Dhuleed ee dalka iyo madaxbanaanida Qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya saacado ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in maamulka Somaliland ay la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo qeexaya in ay deked ka sameysato badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...