Shacabka Muqdisho oo isku soobaxay ayaa dareenkooda ku muujiyay garoonka ciyaaraha ee enjineer yariisow.

Date:

Dibadbax balaaran oo uu soo aggaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo kasoo qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda, Dibadbaxaasi oo lagu diidanaa damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.
Dibadbaxayaasha ayaa socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaan ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...