Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta oo ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee Koofurta gobolka Mudug

Date:

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta ayaa ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee Koofurta gobolka Mudug halkaas oo hadda lagu ciqaabayo Khawarijta.
Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta Maleyshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaanadaas.
Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey cadowga walina uu socdo dagaalku.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey shufto diimeedka caadeysatay dhibaatada shacabka.
All reactions:

158

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...