Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis Ceelal Biyo looga dhisayo Deegaanadii laga xorreeyey Khawaarijta

Date:

Wasiirka Tamarta iyo Qayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahaceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...