Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo lagu qabtay Baydhabo

Date:

Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynaayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud looguna diyaar garoobayo tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhex maray kooxaha BCC iyo Baydhabo

Daawashada ciyaartaan ayaa waxaa ka qeyb galay kumanaan qof oo masuuliyiin iyo shacab isugu jira.

Ciyaartan xiisaha leh oo la isla gaaray Gool-ku laadyo ayaa waxaa ku guulaystay kooxda BCC iyadoo Wasiir Maxamed Barre Maxamuud uu wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed mudane Salmaan Cali Ku Boggaadiyay abaabulka iyo diyaar garowga intaas le’eg ee muddada kooban lagu sameeyay.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goob joog ka ahaa daawashada ciyaartan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...