Wasiirka dhallinyarada XFS oo gaaray Baydhabo

Date:

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane, Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiir Maxamed Barre ayaa u tagay halkaas si uu ugu kuurgalo mashaariicda horumarinta dhallinyarada ee ka socda Koonfur Galbeed, in la dardargeliyo qodobbada hortabinta u leh siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowaan la ansixiyay iyo dhismaha Golaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka kala imaanaya dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka duulaya tiirka saddexaad ee Xukuumadda Dan-Qaran ee ah SOOMAALI HESHIIS AH ayaa xoogga saaray inuu wada shaqayn buuxda la yeesho Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee heer dowlad goboleed si loo dardargeliyo horumarinta iyo u qareemidda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...