Israa’iil iyo Xamaas oo ogolaaday xabbad-joojin & isdhaafsiga maxaabiista

Date:

Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey heshiis xabbad-joojin ku meel gaadh ah, oo wadada u xaareysa in la sii daayo ilaa 50 qof oo lagu haysto Gaza iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelasha Israa’iil.

Heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Qadar ayaa dhigaya in muddo 4-cisho ah Gaza laga sameeyo xabad-joojin si la isu weydaarsado maxaabiis gaareysa 50 oo ay heystaan Xamaas iyo 150 Falastiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in heshiisku aanu micnihiisu ahayn in dagaalku joogsanayo, isagoo wacad ku maray in Israel ay sii wadi doonaan dagaalka ka dib xabbad-joojinta.

Heshiiska ayaa qeexaya in mudada xabbad-joojinta Israa’iil ay sidoo kale joojin doonto dhammaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka waddo Gaza iyo in boqollaal baabuur oo ku raran gargaar raashin,dawo iyo shidaal loo ogolaado in in ay galaan Gazaa.

Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza oo ay ku jiraan agagaarka Isbitaalka Indonesia iyo Khan Younis oo ku yaalla koonfurta gobolka.

In ka badan 14100 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay gaaraysaa 1,200.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...