Dowladda hoose ee Xamar oo howlo biyo saaris ah ka samaysay Caasimadda

Date:

Dowladda hoose ee Xamar ayaa caawa fulisay howla ballaaran oo biyaha looga qaadayo qaar kamid waddooyinka Caasimadda oo ay biya dhigeen Roobabkii daโ€™ay saacadihii u danbeeyay.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeeray goobaha howluhaasi laga fuliyay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka goโ€™an tahay la tacaalidda biyaha fariista meelaha godan ee Caasimadda.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo biyo saaris ah ka qabatay goobo ay ka mid yihiin KM4 , Ceel qalow iyo xaafado ka tirsan Xamar-jajab, Wadajir iyo Waaberi, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen roobabkii ugu dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...