Canaanta Madaxweynaha kama darin (WARBIXIN)

Date:

Waxaa weli si xowli ah u socda dadaalada ay Dowladdu ka waddo goobihii ay aadka u saameeyeen Fatahaadaha iyo Daadadka baโ€™an ee ku soo rogmaday Degmooyin ka mid ah Gobolada Dalka, sidaasi awgeed ayay Heyโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ay shalay oo Jimco aheyd markii Seddaxaad waxa ay diyaarad sidday shixnad mucaawino ah u degtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo garayaa ilaa 10-tan oo isugu jira noocyadakala duwan ee Raashinka fudud, haddii sida kale loo dhigana waxaa loo qeybin doonaa oo loogu talagalay in la gaarsiyo dadka ay saameeyeen fatahaadda Roobabka ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 1.250 Qoys.

Deeqdaan oo markii horeyba loogu tagalay in la geeyo Magaalada Beledweyne oo ay uga jirto baahiyo badan ayaa sabab u ah garoonka Magaaladaasi oo ay fadhiya Biyo awgeed, sidaasi daraadeed ayaa loogu weeciyay Gargaarkaasi magaalada Baydhabo, waxaynan tahay gargaarkii 3-aad ee la gaarsiiyo halkaasi, waxayna Heyโ€™adda SODMA oo gacan ka helaya Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka goโ€™an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee ay dhibaatadu ka soo gaartay ย fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka xilliga Deyrta, iyadoo magaalada Baydhabo ay ka mid tahay Magaalooyinka ay sameeyeen daadadka El-Niรฑo oo keentay waxyeello iskugu jiray Dhimasho iyo Burbur hantiyadeed.

Mid ka mid Dadka degan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo saran dooni ay Dowladdu ugu talagashay dadweynahaย  oo markaasi dulsaaran mid ka mid ah Doomahaasi ayaa yiri:-โ€œmaadama aan nahay Shacabka degan magaalada Baardheere waxaan soo dhaweyneynaa in la joojiyay lacagihii baadda ahaa oo markii hore ย doomaha ku raceynay, xilli Heyโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka sheegtay in aan la aqbali karin lacagahaasiโ€. Baardheere waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Gedo kuwooda sameenta adag ay ka soo gaartay fatahaada wabbiga jubba, taas oo keentay in ay goโ€™do buundii baardheere, waxaana hore sidaan oo kale heyโ€™adda Maareynta musiiboyinka magaalaaasi ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay goโ€™doomiyeen Biyaha.

Heyโ€™adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku barakacay daadadka iyo fataahadaha ay Roobabka daโ€™ya sababeen, waxayna Heyโ€™addu sheegtay in dhimashada ay gaartay ilaa iyo 50 ruux, halkii ay markii hore ka ahayd 31 qof, iyadoo sidoo kalena tilmaantay in dadka fatahaada ku barakacay iyo khasaaraha guudba uu isa soo tarayo.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda fataahadda Beledweyne iyo dhimashada oo gaartay in ka badan 10 ruux sida uu noo xaqiijiyay Cabdisalaan Faarax Maxamed oo ah isu-duwaha Wasaradda Gargarka maareynta iyo musiiboyinka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka magaalada Kismaanyana Xaaladda fatahaadaha ee ka jira deegaanada Jubbaland oo saamayn weyn ku yeelatay nolosha deegaannada ay fatahaadu ka dhacday, iyadoo meelaha qaar ay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo, isla markana burbur xoog leh uu soo gaaray kaabayaasha kala duwan, si gaar ahna degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay gabi ahaanba burbureen buundooyinkii ku yaalay. Guddiga uu dhawaan Madaxweyne Axmed Islaam uu u saaray wax ka qabaashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ayaa wada gurmad kala duwan oo la gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saameysay, iyadoo durba gargaar kala duwan ay Dowladu gaarsiisay meelaha qaar.

Waxaa kale oo barakac xoog leh uu ka jiraa degmooyinka gobolka Jubbada Dhexe oo boqolaal qoys oo ka soo barakacay fatahaadaha ay soo gaarayaan deegaannada ku dhow Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo golahu uu isku raacay in gurmad lala gaaro, iyadoo meelahaasi ay joogaan Kooxda Khawaarijta ah oo gargaar iskaba daayoo ay iyaga naf ka raadiya oo baada Dadkaasi.

Warbixinta ugu dambeeysay ee saameynta ka dhalatay Roobabka mahiigaanka ah El-Niรฑo Iyo fatahaadaha dalka oo dhan. Waxa ay saameeysay dowlad gobolleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland ).

โžค ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  : ๐Ÿต๐Ÿณ๐Ÿด,๐Ÿต๐Ÿด๐Ÿฒ๐—ค๐—ผ๐—ณ

โžค ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—ฐย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  : ๐Ÿฑ๐Ÿต๐Ÿฌ, ๐Ÿด๐Ÿต๐Ÿณ ๐—ค๐—ผ๐—ณ

โžค ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎย  ๐——๐—ต๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผย ย ย  ย ย :ย 50ย ๐—ฅ๐˜‚๐˜‚๐˜…

โžค ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑย ย ย ย ย ย ย ย  : ๐Ÿฑ๐Ÿฏ๐Ÿฎ๐Ÿญ ๐—ผ๐—ผ G๐˜‚๐—ฟ๐—ถ

โžค ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ถ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ:ย  ๐—•๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐˜‚๐—ฏ๐—ผ.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa oo xarunta Heyโ€™adda SODMA ee Muqdisho ku shirguddoomiyey kulan dhexmarey heyโ€™adda SODMA iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo ee arrimaha Fatahaadaha iyo Gargaarka, ayna hormuud ka yihiin Wasiirro heer federal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Heyโ€™adda Alraxma, iyadoo kulanka uu ujeedadiisu ahaa isu-duwidda iyo mideynta dadaaladda loogu gurmanayo degmooyinka ay Fatahaaduhu saameeyeen iyo dadka ku dhibaataysan goobahaasi gaar ahaan gobolka Gedo oo ah gobol ay si weyn u saameysay Daadadka soo rogmayย  iyo fatahaadaha Webiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

Kulanka ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenka heyโ€™adda SODMA iyo maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah waxay ku soo bandhigeen xajmiga dhibaatada fataahaaduhu ay ka geysteen gobolada dalka, dadaaladda iyo gurmadka dawladda federaalka ah ay illaa iyo hadda ka samaysay dalka guud ahaan, gaar ahaan gobolka Gedo, iyo sidoo kale kuwa qorshaysan, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo haddii bulshada iyo heyโ€™addu ay iskaashadaan, iyadoo Xubno ka tirsan guddiga bulshada Gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7 doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqeyn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey ama ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka.

Dhanka Gobolka Banaadirna Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa koormeeray goobo ay ku soo barakaceen dad danyar ah oo saameyn ku yeeshay Roobabka wata daadadka xooggan ee ka daโ€™ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo ka soo barakacay gobolka Sh/Hoose, iyadoo Xafiiska Agaasinka Caafimaadka gobolka Banaadir uu maalmihii dambe waday olole loogu gurmanayo dadkaan danyarta ah, waxaa loo sameeyay baaritaano Caafimaad iyo daawooyin. Sidoo kale waxaa la gaarsiiyay agab gargaar oo ka kooban Maro kaneecooyin, qalab Caafimaad iyo agab kale oo noloshooda muhiim u ah, iyadoo Agaasime Dr. Cabdiraxmaan Axmed uu sheegay in dadkaan ay u baahan yihiin gurmad xoog leh in lala soo gaaro, isagoo baaq u diray heyโ€™adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka howlgala gobolka Banaadir, ganacsatada iyo culimada Soomaaliyeed.

Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in Dadka Danta yar ee deggan xerooyinka Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho in lala gaaro gurmadyo isugu jira cunto iyo caafimaad, isagoo yiri- โ€œwaxaa dhici karta in Hooyo ay heyso Fool ay meel ay u baxdo weynso, Roobka iyo dhaxanta dhaceysa awgeed, marka waa in lala gaaro Dadkaasi gurmad degdeg ahโ€, isagoo markaasi la hadlaayay maamulka Gobolka Banaadir.

 

โ€œDhabarkeeyguย  jabay saan dan guud ugu dhakoolaayeโ€ waxay ereyadaasi ka mid ahaayeen gabay uu tiriyay AUN Cabdulle Raage, Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuudย  dalxoreeye guul ku waar idin Allahโ€, sidaasi waxaa tiri:- Shukri Calasow oo ku nool Dalka Ingiriiska, oo tilmaameysa sida uu ugu heelan yahay Soomaaliya oo nabad ah, islamarkaana barwaaqo ah.

Mar uu la hadlaayay Xubnaha Golaha Wasiirada XFS Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in uu isagu masuuliyaddiisa uu ka soo baxayo, iyagana looga fadhiyo in ay ka soo baxaan waajibaadka dastuuriga ah ee laga rabo Golaha wasiiradda in ay fuliyaan sidoo kalenna labba jibaaraan hawlaha dib u xoraynta iyo hanaanka dowlad dhiska dalka.

โ€œMidna ogaada ragga xukunka hayow, Wasiir aan kula doodi karin, damiirkiisa ka hadli karin, runta kugula dhici karin, qaladka kaa celin karin, ha ka sugin in uu xukun kuu difaaco, ama dowlad iyo dal waxtaroโ€, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Guntii iyo gabgabadii waxaan oran karnaa marka la fiiryo waxyaabaha socda haatanย canaanta Madaxweynaha kama darin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale