Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobihii ay Biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, asigoona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta & xal u helida saameynta uu reebay Roobabkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada ayaa faray Guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidoo kale in dib loo soo celiyo bilicda Caasimadda iyo in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa Guddiga heer Gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo Allaha naga najeeyee xaalad kasta oo soo kordha taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...