Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobihii ay Biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, asigoona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta & xal u helida saameynta uu reebay Roobabkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada ayaa faray Guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidoo kale in dib loo soo celiyo bilicda Caasimadda iyo in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa Guddiga heer Gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo Allaha naga najeeyee xaalad kasta oo soo kordha taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...