Dalalka Chile iyo Colombia oo ku dhawaaqay in Isra’iil ay kala baxayaan safiiradooda

Date:

Dalalka Chile iyo Colombia ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii xalay in safiiradooda ay kala baxayaan Israa’iil si ay u muujiyaan gardarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Falastiin, gaar ahaan magaalada Qaza, kaas oo horseeday dhimashada dad Β ka badan 8,500 ruux oo u badan Haween iyo Carruur.

Madaxweynaha Chile Gabriel Boric, ayaa ku dhawaaqay in Isra’iil uu kala baxay safiirkii halkaasi u joogay sababa la xiriira gardarrada ay ku hayso magaalada Gaza.

Dhankiisa, madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisa ay u yeertay safiirkii u fadhiyay Israa’iil, si ay u muujiyaan sida ay ugu soo horjedaan dhibaatada iyo xadgudubyada Isra’iil ay ku hayaan shacabka reer Falastiin

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale