Wasiirka Maaliyadda DFS Biixi Imaan oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Ceymiska (MIGA).

Date:

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Marrakesh ee dalka Morocco ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Ceymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (MIGA) oo ka mid ah hey’adaha hoostaga Bankiga Adduunka.
Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka MIGA Mr. Junaid Ahmed ayaa looga hadlay sida Soomaaliya ay usoo jiidan laheyd indhaha maalgashiga caalamiga ah iyagoo laga faaiideysanayo caymiska iyo dammaanad qaadka Hey’adda #MIGA ee Bankiga Adduunka. Maalgashiga shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa laf-dhabar u ah soo kabashada dhaqaale ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...