Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga ayaa sheegay in loo baahanyahay in la furo doodaha ku saabsan Dib-u-habaynta Maaliyadda ee Yoolasha Horumarka Joogatada ah

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beene-Beene), ayaa sheegay in loo baahanyahay in la furo doodaha ku saabsan Dib-u-habaynta Maaliyadda ee Yoolasha Horumarka Joogatada ah (SDGs), xoojinta shabakada badbaadada maaliyadeed ee caalamiga ah; Horumarinta iskaashiga cashuuraha caalamiga ah iyo Uruurinta dhaqalaaha gudaha.

Qodobadan waxa ay ka mid ahaayeen khudbad uu Wasiirka maanta Ka jeediyay kulan heer sare ah oo dhinac socday kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa Maalgelinta Horumarinta kaasoo ujeeddadiisu tahay in la bixiyo talooyin siyaasadeed iyo hagitaan ku aaddan hirgelinta ajendaha waxqabad ee Addis Ababa.

Hirgelinta Ajendaha Addis Ababa ayaa ah Qaab-dhismeed ay Qaramada Midoobay ugu talagashay in lagu uruuriyo dhaqaalaha si loogu guuleysto yoolalka hurumarka joogtada ah iyo sidoo kale in la ogaado horumarka lagu talaabsaday iyo caqabadaha soo baxaya lana abaabulo waxqabadyo dheeraad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo markii u horreysay bixisay shahadaada amniga diyaaradaha

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom...

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waxaa cuno qabataynta hubka laga qaadi doonaa bilowga bisha December

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa maanta ka qayb galay furitaanka kala fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...