Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia

Date:

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jamaac โ€œHuruuseโ€ oo Raโ€™iisul Wasaaraha kala qeyb galaya shirkadda Todobaatan iyo Sideedaad ee Golaha Loo-dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha Ka-dhexeysoย #UNGA78ย ayaa kulan laba-geesood ah oo heerkiisu sareeyo Magaaladda New York kula qaatay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Ivica Daฤiฤ‡.

Labadda Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba-gedood ka ah ee ka dhexeeya Labada dal iyo sidii loo taabagelin lahaa iskaashiga xagga tacliinta, farsamada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Ugu Dambayn labadda Wasiir ayaa ku ballamay qaabeynta qariidadda iskaashiga labada dal iyo in ay derdergeliyaan Mashaariicda horumarineed ee wadaaga ah, si labada dal iyo shucuubtooda loogu jaheyn lahaa wax wadaqabsi.
Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qotto dheer oo soo bilowday dabayaaqadii 1960kii; waxaana uu yahay mid ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi iyo is-ixtiraam Gobannimada, Madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...