Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo daahfuray Imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof.

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey jagooyin Kaaliyenimo oo ka banaanaaday hay’adaha Garsoorka ee dalka, gaar ahaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadaha.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale maalinkii shalay daahfuray imtixaan iyaga na laga qaadayey dad u tartamaayey jagooyin garsoorenimo oo ka banaaaday Garsoorka, waxaana ay tani qeyb ka tahay dedaalada dib-u-habaynta ee Garsoorka dalka si kor looggu qaado hufnaanta shaqada iyo aaminaada, sidoo kale na loo ballaadhiyo fidinka adeega cadaaladdeed ee hay’adaha garsoorku u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Baashe oo halkaas ka hadlay, ayaa la dardaarmay tartameyaasha oo uu ku booriyey inay naftooda ku kalsoonaadaan, sidoo kale na ay aaminaan aqoontooda isaga oo xusay in nidaamka loo qaadayo imtixaankani uu yahay mid ku dhisan habraac la hubiyey oo cadaaladdeed qof kasta na uu helaayo wixii uu shaqeysto.
Guddoomiyahu, wuxu sidoo kale tilmaamay in ujeedka ay imtixaanadan u qaadayaan ay tahay in la helo Garsooreyaal iyo Kaaliyeyaal ku yimi hanaan cadaaladdeed kuwaas oo laga filan karo inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan hay’adaha Garsoorka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...