Guddiga gargaarka arrimaha xabsiga dhaxe ee xamar ee golaha shacabka  oo la kulmey gudoomiyaha gobalka Banaadir

Date:

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan la-yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho kulanka waxaa shir Gudoominayay. Guddoomiyaha Guddiga Xil Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika)

Intaasi kadib waxaa Goobta Su’aalo Oraaheed la-xariira Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar lagu weydiyaya Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho dowrkooda kaga aadan Xaalada Xabsiga iyo waxyaaabaha ay ka qaban karaan.

Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay Guud ahaan Su’aalihii ay weydiiyeen Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Waxuu sidoo kale sheegay markii uu booqodo kadib Xabsiga Dhexe ee Xamar uu Warbixin Buuxda kula soo laaban doona Guddiga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil.Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga Mahadceliyay. Guddoomiyaha Gobolka sida wanaagsan ee uu usoo ajiibay u yeeristiisa asagoona uga mahaceliyay qaabkii wanaagsaneyd ee uu uga waramay inta uu kala socdoa Xaalada ka jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddoomiye Xil Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku booriyay Shaqada wanaagsan iyo Masuuliyadda culus ee uu hayo Qaranka Soomaaliyeed Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Waxuuna sheegay inuu ka rajeynayo in warbixin dhameystiran uu Guddiga kula soo laabto kadib marka uu Booqdo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...