Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka

Date:

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warabaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada Qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah kawaarijta

Maxamed Mursal ayaa sheegay in la joogo dhammaadkii khawaarijta sida wadajir ahna lagu dhamaystiri karo,dhammaana shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aan loo kala harin dagaalka ka dhanka khawaarijta si dalka looga xoreeyo degaannada fara kutirska ah ay gacanta ku hayaan cadawga.

Guddoomiyihii hore dalka ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidanka Qaranka guulaha ay ka keeneyn howlgallada dalka looga xoreeynayo khawaarijta,madaxweynaha JFS ayuu guddoomiyahu  ku ammaanay sid ay uga go’antahay ciribtirka khawaarijta guud ahaana dalka ,waxa una Shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqay in aan loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Dhanka kale Maxamed Mursal waxa uu baaq u diray shacabka koonfur galbeed oo uu sheegay in ay u istagaan sidii ay isaga dul qaadi lahayeen cadawaga muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka ku nool degaanada koonfur galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...