Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdi hogaaminayo oo loogu soo dhoweeyay degaanka Nuur-dugle

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi  hogaaminayo oo maanta gaaray degaanka Nuur-dugle ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Madaxweynaha oo ay wehelliyaan wafdi ka koobqan Wasiirro, Xildhibaano Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa u kuurgalayay xaaladaha deegaanka sida amniga iyo baahiya ay qabaan bulshada.

Madaxweynaha ayaa Deegaanka Nuur-dugle ku qabtay Shirka Xasilinta iyo Nabadeynta isagoo dhanka kale kulan  fool ka fool ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  oo uu ka dhageystay baahiyahooda ku qotoma adeegyada assasiga ah ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay bulshada Nuur-dugle sida geesinimada leh ay isaga dulqaadeen khawaarijta ugana shaqeeyeen amniga iyo xasiloonida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...