Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga waddada isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlgalkan oo ay wadajir u hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ibraahim Barre, taliyaha ururka 64-aad iyo abaanduulaha ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Danab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada ku xeeran degmada Wala-weyne ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye Barre iyo saraakiisha ciidan ee horkacayay howlgalka ayaa xog-wareystay shacabka ku dhaqan Tuulooyinka ay ciidanku gaareen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faafin ka bixiyay bartilmeedka howlgalka, wuxuuna guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in howlgalkan uu daaran yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

” Howlgal lagu baacsanayo nimankan nabad-diidka ah, ummadda Soomaaliyeed dhibaato weyn ku hayaan, baaqa ay soo keediyeen madaxda qaranka iyo kuwa heer Dowlad gobolleed ee ku aadan in Khawaarijta lala dagaallamo lagana xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin qaasatan Kooonfur Galbeed, anagana waxaan diyaar u nahay reer Shabeellaha hoose inaan xoreyntaas qeybta ugu weyn ka qaadanno,” ayuu yiri guddoomiye Barre.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ka socday howlgallo ka dhanka Khawaarijta, kuwaas oo lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo Bulshada gobolkaas muddo badan dhibaato ku hayay.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...