Madaxweyne Xasan“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa fikirka marka uu dhamaado kan Militeriga”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka qeybgalay dood su’aalo waydiin ah ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in sidoo kale fikir ahaan loola dagaalami doono.

“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa Fikirka, marka uu dhamaado kan Militeriga, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka wajiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...