Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka ayaa kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Date:

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah uga bixin doonaan gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay sanad guurada 17-aad ee Galmudug ayaa hambalyo ka dib sheegay In dabaal degga sanad guurada Galmudug uu ka dhici doono degaannada ay khawaarijtu haatan joogaan, sida uu qorshuhu yahay.

“Sanad guuradaan, sanad guuradeeda dambe meelo badan oo anay maanta suurta gal ka ahayn in ay ku qabsoonto ayaan rajeyneynaa haddii Alle yiraahdo”

Madaxweynaha ayaa xusay in wejigii koobaad ee dagaalka laga xoreeyay khawaarijta inta badan Hirshabeelle iyo Galmudug, isagoo sheegay in reer Galmudug ay door weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah cadowga ee labada maamul goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee dul jooga goobaha kooban ee ay cadowga kaga hareen Galmudug iyo dadka kasoo baxsaday kal hore xarumaha khawaarijta ee ka qayb qaadanaya halganka lagu xoreynayo shacabkooda.

Halganka lagu cirib tirayo haraadiga khawaarija ayuu sheegay madaxweynuhu in dhowaan uu ka billaaban doono dowlad goboleedyada kaafur galbeed iyo Jubbaland, si maamulladaasi ugu guuraan xarumahoodii ku meel gaarka ahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug ay heerkan kusoo gaartay xasillooni siyaasadeed, wuxuuna xusay in asaaska horumarkuna lagu gaaro dib u heshiisiin bulsho, loona baahan yahay in mar walba lagu dhaqmo

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inuusan cadowgu noogu faa’iideysan in dadka la geliyo dagaallo sokeeye, ciddii ficilladiisa ku kacana uu yahay Khawaarij.

“Shabaabku yaanu arrintaasi noogu faa’iideysan, marxaladda aan ku jirno, dagaalka aan ku jiro, xoreynta aan ku jirno, soo celinta karaamada aan ku jirno, u hiillinta diinteena iyo shareecada aan ku jirno, ninka nin ku duulaya ee dilaya ama reerka reer ku duulya ee dilaya waa Al-shabaab”.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...