Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Adkeeyey odayaasha Dhaqanka Galmudug Xoojinta Midnimada Lagu Wajahayo Argagixisada iyo Xoraynta Deegaanada

Date:

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan argagixisadu, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaaganhorumarka Galmudug ay tahay argagixisada Alshabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...