Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareb waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta maamulka Galmudug waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Galmudug.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Wasiiradda Gargaarka,Beeraha,Cafimaadka ee Galmudug, Masuuliyiin kale,wakiilo ka socda hay’addaha deeqaha bixiya iyo Masuuliyiin kale oo katirsan hay’adda SoDMA.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta Galmudug,
ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono oo ay ugu horeyso Magaalada Ceelbuur.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...