Bankiga dhexe oo laan ka furanaya Galmudug

Date:

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa si diirran loogu soo dhooweyay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee dhuusamarreeb.

Socdaalka guddomiyaha ayaa daarran daahfurka laanta Bankiga dhexe ee uu ku yeelanayo magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareb .

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Galmudug, Farxaan Cali gaban oo gudoomiyaha bankiga dhexe kusoo dhoweeyay magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in ay goobjoog ka noqonayaan xaruntii ugu horreysa ee dowlad goboleedyada dalka uu ku yeelanayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb u yimid diyaar garowga ugu dambeeya ee furitaanka laanta Bankiga dhexe ee Galmudugย  oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bankiga dhexe uu ka furto dowlad goboleedyada dalka .

Dhowaan ayay ahayd markii uu magaalada Dhuusamareeb tagay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, si loo dardar geliyo laamaha cusub ee laga furayo maamul goboleedyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...