Madaxda dalalka ECOWAS oo ka wada hadlaya arrimaha Niger

Date:

Madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka “Economic Community of West African Republic (ECOWAS)” ayaa waxuu maanta oo Arbaca ah kulan ugu bilaaban doona magaalada Abuja, si ay uga wada hadlaan afgambigii ka dhacay dalkasi Niger.

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika, ayaa maanta shir aan caadi ahayn Nigeria ku yeellanaya, kaasi oo looga arrinsanayo afgambigii dalkaasi dhawaan ka dhacay.

Wefdi ka socda Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Nigeria Abdusalam Abubakar, ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta ay garaan dalka Niger, si uu gacan looga geysta arrimaha Niger.

Xudduudaha dhulka iyo cirka ee ay Niger la leedahay dalalka Algeria, Burkina Faso, Libya, Mali iyo Chad, ayaa dib loo furay kadib ka dib afgambigii dalkaasi ka dhacay, sida uu telefishinka qaranka ka sheegay mid ka mid ah kooxaha afganbisay Madaxweynahii Niger.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...