Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Arrimaha Gudaha ee XFS oo ka wada hadlay doorka shaqo ee ay wadaagaan

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, Jaamac  Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ay wehliyeen Maareeyaha iyo Maareeye-kuxigeenka Hay’adda Diiwaangelinta iyo  Aqoonsiga Dadweynaha.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen doorka shaqo ee ay wadaagaan iyo sida ay iskaga kaashan lahaayeen hawlaha Xukuumadda Dan Qaran u leh hortebinta iyo qaybaha ay u xilsaaran yihiin in ay iska kaashadaan.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, ayaa sheegay in waxyaabaha la iska kaashanayo oo dadweynaha loogu adeegayo ay ka mid yihiin in bulshada lagu gaarsiiyo adeegga aqoonsiga sida ugu sahlan, iyadoo la daboolayo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

“Adeegga Aqoonsiga dadweynaha hirgelintiisa iyo horumarintiisa waxaa tiir u ah isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale sugidda amniga isgaarsiinta uu aqoonsigu lafdhabar u yahay”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...