𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗻𝗴𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar e Salaam, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo oo Ra’iisul Wasaaruhu ka mahadceliyay taageerada dhinacyada iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...