NATO oo Kosovo uga digtay iibsashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga

Date:

Ciidamada NATO ayaa uga digay Xukuumadda Kosovo, cawaaqib xumada ka dhalan karto iibsashada diyaarado aan duuliyaha laheen ee loo yaqaanno Bayraktar ee Turkiga, iyagoo oo sheegay in howlgalka nabad ilaalinta NATO uu weli mas’uul ka yahay hawada Kosovo.

Bayaan ka soo baxay howlgalka nabad ilaalinta NATO ayaa lagu yiri: ” Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ee Kosovo ayaa ah maamulka koowaad ee hawada Kosovo, marka la eegana adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xilligan caqabad ayay ku yahiin howlaha Ciidamada nabad ilaalinta”.

Hadalkan ay soo saareen ciidamada NATO ee nabad ilaalinta u jooga Kosovo, ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii Ra’iisul wasaaraha Kosovo Albin Kurti, uu ku dhawaaqay in Turkiga ay ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar, ayaa caan ka noqday caalamka waxii ka danbeeyay markii ciidamada Asarbayjaan ay u adeegsadeen dagaalkii ay la galeen kuwa  Armenia.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...